Madaxweynaha oo ka Digay Dambiga If iyo Aakhiro ka Dhalanaya Dhulka aan Wax Laga Beerin ee la ootay

0
Monday 16th April 2018 07:41:49 in Wararka by Xarunta Guud
  • Visits: 162
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha oo ka Digay Dambiga If iyo Aakhiro ka Dhalanaya Dhulka aan Wax Laga Beerin ee la ootay

    Madaxweynaha oo ka Digay Dambiga If iyo Aakhiro ka Dhalanaya Dhulka aan Wax Laga Beerin ee la ootay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

data-ad-slot="6963869434">
Madaxweynaha oo ka Digay Dambiga If iyo Aakhiro ka Dhalanaya Dhulka aan Wax Laga Beerin ee la ootay


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka digay dambiga ifka iyo aakhiraba ka dhalan kara dhulka aan waxba laga beeran ee laga oodanayo xoolaha nool, arrintaas oo ka dhacda degaannada miyiga ee Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi oo hadal ka jeediyey xaflad loo sameeyey xuska maalinta dhirta Somaliland ee 15 April shalay, waxa uu farriin gaar ah u diray cid kasta oo ku foogan ama ku shaqaysata goynta dhirta iyo oodista goobaha xoolo-daaqeenka ah, kuwaas oo uu kula dardaarmay inay ka waantoobaan dhulka aanay waxba ka beerayn ee ay xoolaha ka oodanayaan, isagoo uga digay in arrintaasi tahay dambi uu Ilaahay (SWT) kala xisaabtamayo aakhiro, haddii aanay hadda faraha ka qaadin, kana towbad keenin inta ifka la joogo.

"Dadka reer miyiga ah ee dhulka oodaya ee geedka galoolka ah jaraya ee ku oodaya meel aanay waxba ka beerayn oo laga yaabo inuu qabo rajo ah balloodho ayey noqon doontaa, iydoo uu oodayo meel magaalada u jirta 100 km ama ilaa 50km, markaa waxaan ku waanin lahaa dhirta in aanay iska jarin, dhulkana Ilaahay waxa uu yidhi manaafacaadsada ee xanniba muu odhan, dhulkana in la xanniba ma aha, markaa ama dhulka ummaddii lahayd ha wada daaqda, ama wax ka soo saara, labadaas wixii u dhexeeyaa waa qalad. Dadkaas reer miyiga ahna waxa aan kula talin lahaa waar aakhirona waa dambi, ifkiina xoolihii iyo dadkii waa caddibteene marka aad ka ooddo ee aad waxba ka beeri weydo aakhiro waa dambi, ifkiina dadkii ayaad isku qabsanaysaane taas ha laga daayo,” ayuu yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.