Ciidamadii Somaliland Iyo Putlanad Oo Wali Isku Hor-fadhiya Tuke-raq Iyo Madaxweyne Gaas Oo Aqbalay Ergo Reer Somaliland Ah Oo Doonaya In Kala Qaado Ciidammada

0
Monday 16th April 2018 07:37:57 in Wararka by Xarunta Guud
  • Visits: 59
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamadii Somaliland Iyo Putlanad Oo Wali Isku Hor-fadhiya Tuke-raq Iyo Madaxweyne Gaas Oo Aqbalay Ergo Reer Somaliland Ah Oo Doonaya In Kala Qaado Ciidammada

    Ciidamadii Somaliland Iyo Putlanad Oo Wali Isku Hor-fadhiya Tuke-raq Iyo Madaxweyne Gaas Oo Aqbalay Ergo Reer Somaliland Ah Oo Doonaya In Kala Qaado Ciidammada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamadii Somaliland Iyo Putlanad Oo Wali Isku Hor-fadhiya Tuke-raq Iyo Madaxweyne Gaas Oo Aqbalay Ergo Reer Somaliland Ah Oo Doonaya In Kala Qaado Ciidammada


Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Puntland Dr. Cabdiweli Gaas, ayaa sheegay haddii Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu aqbalo ay diyaar u yihiin in la qaboojiyo Xaaladda Colaadeed ee ka taagan gobolka Sool, gaar ahaan Degmada Tuke-raq ee Somaliland, halkaas oo ay isku hor-fadhiyaan Ciidammada labada dhinac.

Madaxweynaha Puntland ayaa hadalkan sheega, ka dib markii boqor Cismaan Aw Muxumed (Buur-Madow) oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland oo ka hadlayey Munaasibad lagu caleemo-saaray Beel-daaje Ismaaciil Beel-daaje Cabdillaahi, uu sheegay inay ergo yihiin isla-markaana doonayaan in Puntland iyo Somaliland kala qaadaan Ciidammadooda isku hor-fadhiya duleedka degmada Tuke-raq.

Boqor Buur-Madow oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi "Dadka Soomaaliyeed waa walaalo, siyaasiyiinta ayaa xoogaa ina kala qoqobtee bulsho ahaan isma aynaan qaban.”

Buur-Madow wuxuu sheegay inay Puntland u joogaan Ergo ahaan "Annagu waxaanu Somaliland uga nimid caana-shubka (Caleemo-saarka Beel-daajaha) ka sakow ergaanu sidnaa, anagu dhaqan ahaan waxaanu culays ku saraynaa Muuse Biixi (Madaxweynaha Somaliland) in laga fogaado wixii colaad inoo keenaya dagaalna uma baahnin walalayaal, Cabdiwelina (Madaxweynaha Puntland) waan la soo xidhiidhnay waxaanu Muuse ka filaynaa in isagoo cusub inaanucolaad ku bilaabin, Xukuumadda iyo guud ahaan Somaliland,waxaan u soo jeedinaynaa in ciidamada la kala qaado. Nabadgelyeynu u baahan nahay Maanta oo uma baahnin colaad iyo ciidamo is hor fadhiya, sabab ay isku hor-fadhiyaana ma jirto.” Ayuu yidhi, Boqor Cismaan Aw Muxumed (Buur-Madow).

Markaasi ka dib, waxa hadalka qaatay Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo ku sugnaa Caleemo-saarka Beel-daaje Ismaaciil Beel-daaje Cabdillaahi oo ka dhacday degmada Carmo ee Gobolka Bari, ayaa sheegay inay Nabad diyaar u yihiin "Saaxiibkay Buur-Madow waxaan leeyahay dhambaalkaagii ahaa Nabadda waan soo dhawaynayaa Madaxweyne Ahaan, Puntland-na waxay weligeedba ka shaqaynaysay Nabad, waase hadduu kaa qaato Muuse Biixi oo uu kaa yeelo.”