"Shirweynihii Laygu Doortay Ee Xilka Laygu Saaray Ayuun Baa Xilka Laygaga Qaadi Karaa Oo Ummaddu…"Uur-Cadde

0
Monday 16th April 2018 07:35:36 in Wararka by Xarunta Guud
  • Visits: 111
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Shirweynihii Laygu Doortay Ee Xilka Laygu Saaray Ayuun Baa Xilka Laygaga Qaadi Karaa Oo Ummaddu…"Uur-Cadde

    "Shirweynihii Laygu Doortay Ee Xilka Laygu Saaray Ayuun Baa Xilka Laygaga Qaadi Karaa Oo Ummaddu…"Uur-Cadde

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Shirweynihii Laygu Doortay Ee Xilka Laygu Saaray Ayuun Baa Xilka Laygaga Qaadi Karaa Oo Ummaddu…"Uur-Cadde


 

Xoghayahii guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdillaahi Uur-cade ayaa ka dareen celiyey xil ka qaadis ay dorraad ku sameeyeen guddida fulinta ee Xisbiga Waddani oo uu shir guddoominayey Guddoomiye Cirro.

Guddida fulinta ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa dorraad shir ay isugu yimaaddeen xilalkii Xisbiga uu ka hayey kaga qaaday Xoghayihii guud ee xisbigaasi Maxamed Cabdillaahi Uur-cade oo ay ku eedeeyeen inuu ka hor yimid xisbiga oo uu dhaawacay midnimada xisbiga.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo shirkan guddoominayey ayaa ku dhawaaqay go’aanka ka soo baxay waxaanu yidhi, "Waxa u codeeyay 34 xubnood, cid diiday ma jirto, hal xubin ayaa ka aamustay, guddoomiyuhuna muu codayn sidaas ayuu ku ansaxay.”

Haddaba, Xoghayahii Xisbiga Waddani Maxamed Cabdillaahi Uur-cade ayaa shalay ka dareen celiyey xil ka qaadistaasi, waxaanu tilmaamay in aanay sharciga xisbiga u yaalla waafaqsanayn, waxaanu yidhi "Waxaad shalay u yeedhay oo shir u qabatay tiro aan dhameyn oo aad ku sheegtay guddida fulinta, oo dadkii intii badneyd dibada ka joogtay oo ay qaar kaa baxeen, runtiin aad iyo aad ayaan uga xumahay inaad Xisbiga kala naqaysato oo in ku ogol aad shirka ugu yeedho”. Uur-cade waxa uu intaasi ku daray, "Guddoomiye waxaan ummadda u sheegayaa maadaama oo aanu arrinkaasi yahay mid aan waafaqsanayn shuruucda dalka iyo xisbiga, ee uu dhoob-dhoobay Cirro, waxaan yeelayana gadaal ayaan ka soo sheegayaa”.

Intaasi kadibna, Maxamed Cabdillaahi Uur-cade waxa uu si adag uga jawaabay waxyaalihii lagu eedeeyay ee loo cuskaday xil ka qaadistiisa, isagoo difaacay doorkiisii Xisbinimo iyo hawlqabadkiisii muddadii uu shaqeynayey, isla markaana waxa uu eedo culus oo kala duwan uu u jeediyey Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro.

Sidoo kalena, Maxamed Cabdillaahi Uur-cade, waxa uu ka hadlay waxa uga meel yaalla xil ka qaadistan, "Anigu waxaan ahay Xoghayaha guud oo Shirweyne ayaa laygu doortay oo shirweyne ayaa laygaga qaadi karaa, wixii sharcigu I mariyona waan ogolahay, waxaa laakiin uu shalay soo malmaluuqay guddoomiye Cirro wax dalka iyo xisbiga ka jira maaha, waxaanan ogolaha si nadiif ah oo walaalnimo ah in aan go’aankayga danbe dib u dhigto oo Taageerayaashayda, Golihii dhexe, Fulintii waxay iga codsadeen in aanu tashano, waxaanan jecelaha in aan waqti siiyo maadaama oo aan ka mid ahay dadkii u horreeyay ee Xisbigan dadka ugu baaqday, sidaasi awgeed in aanan dulmin oo aanan cidla kaga dhaqaaqin ee aan tixgeliyo culeyskooda, markaa walaalayaal arrintaa waxaan ka yeelayo iyo sida aan xoghayenimadayda ka yeelayo waxaan ka hadli doona maalin dhow Insha Allaah”.

Dhinaca kalena, Uur-cade waxa uu farriin u diray beeshiisa, "Reerkayaga waxaan leeyahay aniga iyo Cirro Xisbi annaga ayaa wada samaysanay, haddii uu iga qaado iyo haddii kale ba oo idinka iyo cid kale toona kala maan tashan, ee haddii uu awood u leeyahay ha iga qaado ee ha iigu imanina oo yaanu jirin Nin iigu yimaadaa, meesha waxa yaallaa waa arrin siyaasadeed oo aan ahayn in Beelaha la geliyo, cidda soo gashaana waxay doonaysaa xummaan ee maaha cid doonaysa wanaag, annaguna taasi diyaar uma nihin ee sharciga ayaanu ku kala baxaynaa”.

Uur-cade oo la weydiiyey Guddida fulintu xaq ma u leedahay inay xilka kaa qaado, ayaa waxa uu ku jawaabay, "Guddida fulintu xaq uma leh, aniga shirweyne ayaa I doortay, Cirro imuu magacaabin, Gole dhexe imuu magacaabin, shirweynihii laygu doortay ee xilka laygu saaray ayuun baa xilka laygaga qaadi karaa oo ummadda oo dhami way ogtahay, xeerka ayaanay ku qorantahay”.

Ugu dambayntii, Xuseen Axmed Caydiid oo ka mid ah guddida fulinta ee Xisbiga Waddani, isla markaana ah siyaasi miisaan weyn ku leh xisbigaasi ayaa si adag u difaacay sharcinimada xil ka qaadista lagu sameeyay Uur-cade, waxaana yidhi"Arrintaasi asbaabo sharci ah ayaa lagu salleeyay, darriiq sharci ahna waa loo maray”.

Muranka iyo khilaafka siyaasadeed ee ka dhasha xil ka qaadistan Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani ayaan la saadaalin Karin saamaynta ay mustaqbalka xisbigaasi ku yeelan karto iyo heerka ay gaadhi karto iyo waliba inay ku koobnaan doonto oo kaliya laba dhinac oo kala ah Xisbiga Waddani oo uu hoggaaminayo Guddoomiyuhu iyo Dhinac ah Xoghayaha xilka laga qaaday oo keliya, waxaanay xaqiiqadu soo bixi doontaa maalmaha soo socda, iyadoo ay dadka reer Somaliland ee sida dhaw ula socda ama isha ku haya xaaladda siyaasadda iyo siyaasiyiinta dalka iyo heerka dhismaha Axsaabta ay ka digayaan inay arrintani sababto burbur ama baaba ku yimaada Xisbiga, si la mid ah sidii hore ugu timid XisbigiiUDUB, amase dil-dilaac kale oo ku yimaada xisbiga sidii xisbiyada kale marar dhawr ah usoo waajahday oo sababtay inay ku kala darreeraan.