Wasiir Koore Oo Badhasaabkii Hore Ee Saaxil Ku Qoonsaday Hadal Uu Ku Sheegay Inuu Wareejiyey Biyaha Berbera Iyo Dareenka Masuul Kale Ka Bixiyey

0
Monday 16th April 2018 07:32:50 in Wararka by Xarunta Guud
  • Visits: 98
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Koore Oo Badhasaabkii Hore Ee Saaxil Ku Qoonsaday Hadal Uu Ku Sheegay Inuu Wareejiyey Biyaha Berbera Iyo Dareenka Masuul Kale Ka Bixiyey

    Wasiir Koore Oo Badhasaabkii Hore Ee Saaxil Ku Qoonsaday Hadal Uu Ku Sheegay Inuu Wareejiyey Biyaha Berbera Iyo Dareenka Masuul Kale Ka Bixiyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Koore Oo Badhasaabkii Hore Ee Saaxil Ku Qoonsaday Hadal Uu Ku Sheegay Inuu Wareejiyey Biyaha Berbera Iyo Dareenka Masuul Kale Ka Bixiyey


Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) iyo Badhasaabkii hore ee Gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf Axmed, ayaa eedaymo isku mariyey Warbaahinta.

Badhasaabkii hore ee Gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf Axmed oo shan Maalmood ka hor Xilka wareejiyey, ayaa Munaasibaddii uu Xilka ku wareejiyey ka sheegay inuu il-duufay oo uu Wakaaladda Biyaha Berbera wareejiyey, wallow aanu sheegin Cidda uu ku wareejiyey, waxaanu Shacabka reer Berbera ka codsaday inay Cafiyaan, maaddaama buu yidhi wareejintaasi sababtay in Magaaladu Biyo la’aani ku dhacdo "Reer Berbera waxaan leeyahay mar keliya ayaan idinka il-duufay, markaasina waxay ahayd markaan ku deg-degay beddelka Wakaaladda Biyaha, taasi oo Maanta Berbera ka biyo la’dahay. Markaa waa inaynu markaa Cafis iyo saamax kala ahaano…”ayuu yidhi, Badhasaabkii hore ee Gobolka Saaxil, balse hadalka uu ku sheegay inuu Wareejiyey Biyaha Berbera, waxa ka cadhooday isla-markaana si adag uga dareen-celiyey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Saleebaan Yuusuf Cali (Koore).

Wasiirka Biyaha oo daba socda Hadalka Badhasaabka hore ayaa yidhi "Badhasaabkii Gobolka Saaxil ee Maalinta dhawayd Xilka tiriyey ama aqoon-darro haka ahaato ama Sharciga dalka oo aanu aqoon u lahayn ha ahaatee wuxuu yidhi Biyaha Berbera anigaa Cid ku wareejiyey, laakiin Cid uu ku wareejin karaa ma jirto, waayo? Sharciga Dalka ayaa Hay’ad kasta waajibeedkeeda siiyey Masuuliyadda ay leedahay, laakiin Qofku haddaanu aasaasiyan aqoon lahayn ama Sharciga Dalka aanu aqoon u lahayn way dhacdaa inuu sidaas oo kale u hadlo.”

Wasiirka Biyuhu wuxuu sheegay inay wanaagsan tahay in Xeer ilaaliyaha Qaranku uu Masuulka ku hadla wax aan Sharci ahayn waydiiyo waxa ku kelifay "Marka Qof masuul ahi uu Sharci labada Gole iyo Madaxweynuhu ansixiyeen uu si furan uga hadlo, waxa waajib ah in Xeer ilaaliyuhu ku soo oogo (Dacwad) ama uu wax ka waydiiyo sababta ku keliftay inuu sidaas oo kale uga hadlo oo uu Sharciga qaranka meel kaga dhaco.” Ayuu yidhi.

Hase-ahaatee, Badhasaabkii hore ee Gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf Axmed oo ka jawaabay hadalka Wasiirka Biyaha, ayaa iska difaacay hadalka ka soo yeedhay Wasiirka Biyaha, waxaanu yidhi "Wasiirka Biyuhu si badheedh ah ayuu ii aflagaadeeyay, marka uu Wasiirka Biyuhu leeyahay ‘Aqoon-baanu u lahayn’ waxaan leeyahay isagu aqoontiisa ha u eego..”

Jaamac Yuusuf Axmed wuxuu farriin u diray "Madaxweyne, Asluubta ay leedahay Digreetada iyo huga uu leeyahay Wasiirka uu yahay, ee Maalin walba Cay ula badheedhaya Shaqsi ee aad Madaxweyne Ummadda ku daawanayso eeg..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray "Anigu caayi maayo, laakiin laba Toddobaad ayaan ka war-sugayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Cidda u ehelka ah Wasiirka, haddiise laga jawaabi waayo, waa laga jawaabi..”