Sheekh Aadan-Siiro Oo Xukuumadda Ku Canaantay Dagaal-sokeeye Oo Mar Kale Dhacay Gobolka Sanaag

0
Saturday 7th April 2018 09:02:35 in Wararka by Suuqa Hoose
  • Visits: 206
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Aadan-Siiro Oo Xukuumadda Ku Canaantay Dagaal-sokeeye Oo Mar Kale Dhacay Gobolka Sanaag

    Hargeysa(HLN);-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-siiro),

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

data-ad-slot="6963869434">
Hargeysa(HLN);-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-siiro),

 ayaa khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay Colaad laba Beelood u dhexeysa oo ka soo cusboonaatay Gobolka Sanaag.

Sheekhu waxa kale oo uu khudbadda Jimcaha kaga hadlay dhibaatooyinka ka dhasha 'KIBIRKA' iyo in Qofka Masuul Ummadeed ahi uu wax kasta oo Ummaddu leedahay uu keligii isku koobo isla-markaana Dadka kale u arko kuwa liita oo aan isaga la mid ahayn.

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud oo ugu horreyn Sharraxaya waxa uu yahay Kibirku ayaa yidhi "Kibirku muxuu yahay? Culimadu waxay yidhaahdeen Kibirku waa xaqa oo aad waydaarato, Dadka oo aad waxba u arki waydo oo indhahaaga ku yaraada, kaasaa Kibirka loo yaqaanaa, Kibirku wuxuu keenaa inaad xaqa waydaarato, wuxuu keenaa inaad dulmi badan ku kacdo, wuxuu keenaa inaad Ummadaha ku dumiso marka aad kibirkaa la timaaddo, haddii Masuuliyadi ku saaran tahayna Ummadahaa ku duma."

Sheekhu wuxuu sii faahfaahiyey Kibirka "Kibirku waa Naftaada oo kula waynaata oo Dadka oo dhami ay Agtaada duqsiga oo kale ka noqdaan, waa adiga oo u arka inaad wax walba adigu xaq u leedahay, Kursiga inaad Adigu xaq u leedahay, Lacagta inaad Adigu Xaq u leedahay, wax walba oo Ummadda ka dhexeeya in Adiga iyo inta aad wadataa inaad xaq u leeyihiin (inaad u qaadato), kaas ayaa la yidhaahdaa Kibir. Qofku isagoo leexdan hadduu wax is moodo oo uu Ummadda arki waayo, taasi waxay keentaa inuu xaqa waydaarto, horena way u dhacday, dibna way u dhici doontaa illaa Maalinta Qiyaamaha." ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in Kibirku ka mid yahay Kontonka Dambi ee ugu waaweyn "Dambiyada kontonka ah ee la tiriyey kuwa ugu waaweyn waxa ka mid ah in Qofku uu Wanaagga iyo waxa Dadku leeyihiin keligii isa siiyo oo uu iska dhigo mid Dadka ka sareeya, kaasina waa Kibir."

Sheekh Aadan-Siiro waxa kale oo uu sheegay in Ummaduhu sabab u yihiin in Madaxdoodu noqdaan Keligood-taliyeyaal "Waddamada Muslimiinta Ninka Keligooda Taliyeyaasha ah Ummadda samaysa. Keligood Taliyeyaasha maxaa lagu yaqaanaa, waxay la dagaalamaan hadba Qofka Ummaddu hadal-hayso." ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu ku baaqay in Masuuliyiinta Dawladdu hubsadaan Tallaabooyinka ay qaadayaan "Waxaanu leenahay waar Amarrada aan shaqayneyn ee aan caqliga ku salaysnayn, ee aan Xikmad ku salaysnayn, ama Wasiir noqo Adeer ama wax kale noqo marka wax laguu sheego Hubsada."

Sheekhu waxa uu nasiib-darro ku sheegay Dagaal toddobaadkii hore ka dhacay deegaan la yidhaahdo Fadhi-gaab oo ka mid ah Degmada Ceel Af-weyn isla-markaana ku xidhiidhsan Dagaal laba Beelood oo Walaalo ah hore u dhex maray "Dagaalada ka soo cusboonaaday Gobollada bariga waxa ku eedaysan Xukuumadihii kala dambeeyay ee KULMIYE, tan Maanta joogta iyo tii ka horreysay, waxaynu leenahay Ciidammada aynu aragnay, waxa layaab badan in Bogcad ka mid ah Somaliland oo Dadkeedii la garanayo in la yidhaahdo Maalin walba Dad baa la iska laayey haddana heshiis baa la galay, timir laf-baa ku jirta weeyaan, Xukuumadda waxaanu leenahay kuwii horena way ka gaabiyeen, kuwa joogaana Xalkeedii may dhigin. Maxaynu u samaysanay Maxkamadaha iyo Jeelasha lagula dagaalamo Nabadgalyo darrada, haddayna (Lahayn) waxqabad la taaban karo oo marka ay wax dhacaan (Tallaabo qaadayn), haddii mar walba oo wax dhacaan lagu wado Cidbaa gashay dee halka aynu joogno ayay inoogu iman."

Sheekhu wuxuu ku taliyey in Colaadda Ceel Af-weyn si dhab ah loo galo "Waxaanu leenahay Cidda wax dilaysa ee waxan wadda lama garanayo wax la dhegaysan karayo maaha, Xukuumaddan iyo tii hore ee KULMIYE labaduba way ku eedaysan yihiin. Hadday kun yihiin iyo hadday laba Kun yihiinba hala soo xidho Cidda wax wadda, Dawladnimadu waa maxay Macnaha ay samaynayso haddii labadii biloodba mar la yidhaahdo Cid baa wax iska laysay, illaa goormaa la wadayaa heshiis baa la dhex dhigay iyo Ciidamaa la dhex dhigay..? haddaydaan Xalin karayn Cid Xalisa iskaga wareejiya. Xukuumadda waxa looga fadhiyaa inay arrin deg-deg ah oo la taaban karo ka soo saarto (Colaaddaasi), waa inay keento Cidda wax laynaysa iyo sababta ka dambaysa oo la geeyaa Maxkamadaha aynu samaysanay iyo jeelasha..."ayuu yidhi.

Dagaalka labada Beelood Arbacadii ku dhex maray deegaanka Fadhi-gaab oo ka mid ah Degmada Ceel Af-weyn ee Gobolka Sanaag, ayaa sida la sheegay waxa ku dhintay Saddex Qof, waxaana ku dhaawacmay illaa 8 kale.