Waa Sidee Xaalada Basaaskii Ruushka U Dhashay Ee Lagu Sumeeyay Dalka Ingiriiska?

0
Friday 6th April 2018 17:05:49 in Wararka by Suuqa Hoose
  • Visits: 58
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Sidee Xaalada Basaaskii Ruushka U Dhashay Ee Lagu Sumeeyay Dalka Ingiriiska?

    Hargeysa(HLN);-Sergei Skripal oo hore uga tirsanaa sirdoonka Ruushka ayaa la sheegay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(HLN);-Sergei Skripal oo hore uga tirsanaa sirdoonka Ruushka ayaa la sheegay

 in xaaladdiisa caafimaad ay imika ka soo reynayso.

Ninkani iyo gabadhiisa oo la sheegay in la sumeeyay ayaa waxa ay dhakhaatiirta sheegeen in xaaladdiisa aysan imika halis ku jirin.

Shaqaalaha isbataalka degmada Salisbury ayaa waxa ay intaa ku daray in Mr Skripal uu xanuunka ka soo roonaanayo "uuna si dhaqso ah u soo kabanayo".

Mr Skripal, oo 66 jir ah iyo gabadhiisa Yulia oo 33 jir , ayaa isbataalka ku jiray in ka badan bilk a dib markii laga helay Salisbury iyaga oo miir doorsoomay.

Waxaa la sheegay in sumayntooda loo isticmaalay Sunta waxyeelaysa Neerfaha.

Dowladda UK ayaa ku eedeeysay Ruushka in ay ka dambeeyeen weerarkaas lagu sumeeyay Mr Skripal iyo gabadhiisa .

Balse dowladda Ruushka ayaa beenisay eedeeynya ay u soo jeedisay dowladda Britain.

Dhacdadan ayaa waxa ay hurisay xasarad dublamaasiyadeed.

Dublamaasiyiintii Ruushka ee joogay Britain ayaa laga eryay halka Ruushka ay caydhiyeen dublamaasiyiintii UK.

Waxaa sidoo kale dublamaasiyiinta Ruushka laga caydhiyay dhowr labaatan dal oo ah kuwa reer galbeedka.