[DEG DEG:] Warqad Immika Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Somaliland iyo Nuxurka Ay Xambaarsantahay [KA BOGO]

0
Friday 6th April 2018 08:28:18 in Wararka by Suuqa Hoose
  • Visits: 174
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [DEG DEG:] Warqad Immika Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Somaliland iyo Nuxurka Ay Xambaarsantahay [KA BOGO]

    Hargeysa(HLN);-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(HLN);-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi

 waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa Shacbiga Somaliland iyo guud ahaan aas-aasayaashii ururkii SNM ee dhaqdhaqaaqa waddaniga Soomaaliyeed ee SNM (Somali National Movement), oolagaga dhawaaqay Magaalada London ee dalka Ingiriiska, kana soo wareegtay sannad guuradii 37aadoo ku beegan maanta 06/04/2018 ooujeedadiisu ahayd in dib loo soo celiyo xoriyadii Somaliland ee luntay 1960 kii ee midowgii Somaliland iyo Soomaaliya oo ahaa laba dal oo xuduud wadaaga oo dawladihii Ingiriiska iyo Talyaanigu xukumi jireen kana kala qaatay xoriyadoodii iyadoo himiladu ahayd helida 5tii Soomaaliyeed oo hal dawlad noqda taasina ay hog dheer ku dhacday ka dib markii Dalkii Somaliland midowgaa ka dheefay xasuuq naf iyo maalba leh, ururkii SNM oo ka duulaya dhibaatada la dheefsiiyay dadkii Somaliland ayaa dhaq-dhaqaaaq xoogan oo lagu xaqiijinayo xornimadii xiligaa luntay ee dalalka Somaliland iyo Soomaaliya bilaabay.

 

Halgan dheer iyo hawl adag ka dibna wuxu ururku ku guulaystay inuu hanto dalkii Somaliland, kana xoreeyey kacaankii macangega ahaa ee uu hoggaaminayey keligii taliye Maxamed Siyaad Barre (Af-weyne), maanta ay Somaliland tahay dal nabad taama ku naaloonaya isla markaana ay ka hanaqaaday geediga dimuqraadiyada oo doorashooyin xor iyo xalaal ah lagu xukumo iyadoo guud ahaan geyiga Somaliland maanta marayo marxaladmuujinaysa sida uu isugu tashaday ee tala-wadaaga iyo isu tanaasulku uga tisqaaday, iyadoo Sannad guurada 37aadee ururkii SNM oo ku beegan06/04/2018 aySomaliland u tahay mid ka midataariikhaha qarankani ka taabagalay.

 

Ugu danbayna waxa uu madaxweynuhu u ducaynayaa dhammaan intii dhimatay ee ka midka ahaa aas-aasayaasha ururkaasi iyo intii ku naf weyday halkankii dib u xoraynta Jamhuuriyadda Somaliland, waxa kale oo uu madaxweynuhu hambalyo u dirayaa dhammaan intii naf iyo maalba la barbar taagnayd ururkaasi meel ay joogeenba.

 

 

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Afhayeenka Madaxweynaha JSL.