Wasiirkii Awooda Badnaa Ee Maxamuud Xaashi Cabdi Oo Beeshiisa Ku Guubaabinaya Inay La Doonaan Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Iyo Wararkii U Dambeeyay Ee Kulamada Labada Dhinac

0
Friday 6th April 2018 08:22:50 in Wararka by Suuqa Hoose
  • Visits: 131
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirkii Awooda Badnaa Ee Maxamuud Xaashi Cabdi Oo Beeshiisa Ku Guubaabinaya Inay La Doonaan Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Iyo Wararkii U Dambeeyay Ee Kulamada Labada Dhinac

    Hargeysa(HLN);-Tan iyo wakhtigii uu dalka ku soo laabtay wasiirkii awooda badnaa ee madaxtooyada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

data-ad-slot="6963869434">
Hargeysa(HLN);-Tan iyo wakhtigii uu dalka ku soo laabtay wasiirkii awooda badnaa ee madaxtooyada

xukuumadii hore Md Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa waxa la dareemayaa dhaq dhaqaaq siyaasadeed oo la xidhiidha wareejinta gudoomiyaha xisbiga Kulmiye.

 

Sida ay sheegayaan warar laga helayo, wasiirkii hore ee madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa kulamo gooni gooni ah la qaatay wax garadka iyo madax dhaqameedka ka soo jeeda beeshiisa, kulamadaas oo dulucdooda lagu sheegay inuu cadaadis ku saarayo inay la doonaan gudoomiyaha xisbiga Kulmiye oo uu damacsan yahay in lagu wareejiyo.

 

Dhinaca kale boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) oo ka hadlayey munaasibad meher ah ayaa soo

 

 

 

 

bandhigay damaca ay beeshiisu ka qabto in lagu soo wareejiyo gudoomiyaha xisbiga Kulmiye "Xisbiga Shuraako ayeynu ku ahayne haddii aanay ahayn wixii miyir qababa la hadal, reerku xisbigii uu galanta idinkula ahaa wuu sugayaa.” Ayuu yidhi Buurmadow.

 

Hadalka boqor Buurmadow ayaa loo fasirtay mid uu si badheedh ah uga dambeeyo wasiirkii hore ee madaxtooyadu Maxamuud Xaashi Cabdi, kaas oo wakhtigan ku hawlan sidii gacanta looga soo gelin lahaa xisbiga hogaaminta xisbiga Kulmiye.

 

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in madax dhaqameedka beesha bariga Burco ay iskugu imanayaan magaalada Hargeysa kuwaas oo qorshaynaya inay la kulmaan madaxweynaha isla markaana kala hadlaan sidii uu u soo wareejin lahaa xilka gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ee uu hada hayo.

 

Madax dhaqameedka iyo siyaasiyiinta beesha bariga Burco ayaa si weyn ugu doodaya inay markoodii tahay hogaaminta xisbiga Kulmiye, iyaga oo meesha ka saaray guud ahaanba shacabkii kale ee somaliland ee xisbiga kulmiye u arkayey mid qaran.

 

Sidoo kale siyaasiyiinta bariga Burco ee sida weyn ugu hirdamaya hogaaminta xisbiga Kulmiye ayaa la sheegayaa inay kala yihiin Wasiirkii hore ee madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, wasiirkii hore ee hawlaha guud Cali Mareexaan, xildhibaan Obama oo ka tirsan golaha wakiilada iyo wasiirka arimaha gudaha ee hada Maxamed Kaahin Axmed, iyada oo aan ilaa hada la saadaalin Karin siyaasiga ku guulaysta.

 

Dhinaca kale madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo haya xilka gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ayaan ilaa hada la ogayn aragtida uu ka qabo inuu hogaanka xisbiga wareejiyo,iyada oo ay jiraan siyaasiyiin aan ka soo jeedin beesh bariga Burco oo shaaciyey inay u tartamayaan hogaanka xisbiga Kulmiye.

 

Si kastaba ha ahaatee xisbiga Kulmiye oo ay isku koobeen laba beelood oo kaliya ayaa lays waydiinayaa sababta looga hortaagan yahay beelaha kale ee somaliland.

Source: Hadhwanaag