
Australia Oo Midab Takoor Kula Kacday Dalal ay Ku Jirto Somalia Kadib Markii Ay Ka Reebtay Barnaamijka...
Hargeysa(HLN);-Dalka Australia ayaa sheegay in 8 dal oo kaliya loo oggol yahay
Is-xambaarka halka dalal ay ku jirto Soomaaliya barnaamijkan laga reebay.
Dalalka loo oggolaaday waxaa ka mid ah: the Democratic Republic of Congo, Afghanistan, Eritrea, Ethiopia, Myanmar, Bhutan, Syria iyo Iraq.
Dalalka kale oo laga reebay barnaamijkan is-xambaarka waxaa ka mid ah: Soomaaliya, South Sudan, iyo Iran, arrintan oo hay’adaha u dooda xuquuqda qaxootiga ku tilmaameen mid "midab-takoor ah”
Sanadkan ayaa dib-u-dejin loogu sameyn-doonaa dalka Australia ilaa 16,250 oo qof. Barnaamijka is-xambaarka waxaa qoysaska, shirkadaha iyo shakhsiyaadka loo ogolaadaa in ay soo qaadaan dad gaar ah, oo ay geeyaan dalka Australia.