"Af-Soomaaliga Waxa Lagu Baa'biiyey Soomaaliya, Idaacadaha VOA-dii & BBC-dii Ayey Qabsadeen Oo Waxay Ku Hadlayaan Waad Yaabaysaa……." Faysal Cali-Waraabe

0
Wednesday 4th April 2018 09:05:09 in Wararka by Suuqa Hoose
  • Visits: 252
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Af-Soomaaliga Waxa Lagu Baa'biiyey Soomaaliya, Idaacadaha VOA-dii & BBC-dii Ayey Qabsadeen Oo Waxay Ku Hadlayaan Waad Yaabaysaa……." Faysal Cali-Waraabe

    Hargeysa(HLN);-Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Mudane Faysal Cali-waraabe, ayaa sheegay in caasimadda Hargeysa ay ahaan jirtay xarunta fanka iyo dhaqanka Soomaalida, isla markaana ay aheyd hoygii Soomaalinimada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(HLN);-Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Mudane Faysal Cali-waraabe, ayaa sheegay in caasimadda Hargeysa ay ahaan jirtay xarunta fanka iyo dhaqanka Soomaalida, isla markaana ay aheyd hoygii Soomaalinimada.


Guddoomiye Faysal waxaanu arrintaasi kaga hadlay xaflad lagu soo bandhigay buug la yidhaah Cibaaro oo lagu soo ururiyey maansooyin uu tiriyey Xuseen Cabdi Xalanne oo lagu qabtay magaalada Hargeysa shalay, waxa kale oo uu tilmaamay in ninka buugga qoray ee Mr. Xallane uu muqaal ahaan aad ugu eeg yahay Madaxweynaha dalkaasi Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Eng. Faysal Cali-waraabe, waxa uu ka hadlay ahmiyadda suugaanta iyo taariikhda dadkeenu u leeyihiin, waxaannu yidhi; "Horta anigu ma gabyo, gabayadana ma aqaano, qoys ahaana tobankii qof ee reerkayaga ahi, siddeed ayaa gabya oo laba ayaan ka gabyin, labadaas ayaa aniga iyo Xasan Guure aanu ka mid nahay, laakiin, Xasan waxa uu i dheer yahay isagu wuu xafidaa suuggaanta, markaa aad ayaan uga xummahay.”

Guddoomiyaha UCID, ayaa sidoo kale sheegay in caasimadda Hargeysa ay aheyd goob xarun u ah dhaqanka iyo suugaanta dadka Soomaalida oo dhan, isagoo soo qaatay qaar ka mid ah Abwaanada caanka ah ee Soomaalida oo uu xusay inay wax ku barteen Hargeysa.

"Hargeysa waxay ahaan jirtay xarunta Soomaaliyeed oo waxay ahayd xarunta suugaanta, ta dhaqanka, ta fanka, ta Soomaalinimada ayey ahaan jirtay. Hadda waad aragteen heesaha la qaado oo dhan ee Reer Xamarka ama Reer Soomaaliya qaadaan, giddigood innaga ayaa xuquuqdooda (copyright-ka) leh, iyaguna mid qudha innaguma leh. Ragga ka soo aflaxay halkan (Hargeysa) waxa ka mid ahaa Maxamuud Cabdillaahi Cismaan (Sangub) oo kale oo Reer Hargeysa ayuu ahaa, Cabdiqaadir Xirsi Maxamed (Yamyam) halkan ayey ka aflaxeen,” Guddoomiyuhu waxa kale oo uu intaas ku daray; "Markaa in lagu keeno halkan Xuseen Cabdi Xallane oo horrena inan/gabadh ayuu ugu bixiyey, wuu mahadsan yahay, haddana buug ayuu inoo keenay, laakiin, dorraad (maalintii Axaddii) markii uu iga soo hor baxay, waan shakiyey oo waxaan idhi, ‘Waar meesha ma Farmaajo (Madaxweynaha Soomaaliya) ayaa maraya?’ oo Farmaajo ayey isku ekaadeen.

Markaa waa in aynu u sheegnaa, Idaacad waxba lagama arkee, u sheegnaa Tv-yada; ‘In aannu Farmaajo ahayn ee uu yahay Xuseen Cabdi Xallane, waa in aynu u sheegnaa, ilayn waa laba nin oo isku eege.”

"Waxaan idiinka sheegaynayaa, marka arrin la geeyo meel aan ahayn meesheedii khasaaraha dhaca, nin dhallinyar ah oo Reer Somaliland ah oo Reer Laascaanood ah, ayaa Tansaaniya iga helay qiso uu iiga sheekeeyey, oo waxa uu yidhi; ‘Aniga iyo qolo Jarmal ah ayaa waxa aannu qaadanay mashruuc guryo la dhisayo oo jaban oo dadka laga iibinayo.’ Markaa waxa yidhaahdeen; ‘Mashruucaas aynu Muqdisho ka hirgelino.’

Waxa uu yidhi; ‘Muqdisho ayaannu geynay, markii aannu geynay [sidaas oo kale] ayaa xafladdii loogu sameeyey.’ Markaa haddaba qaladka uu sameeyey waxay weeye, mashruucii waxa uu u bixiyey; ‘Xiin-finniin.’ Mashruucii markii la daawaday ee laga dareeray ayey Reer Xamarkii yidhaahdeen; ‘Hee, ninku waxa uu wadaa Sayidkii oo Sayid Maxamed Cabdalle Xasan ayuu keenaye.’ Maalintii ku xigtayna waxa la yidhi; ‘Haddii aanad bixin magaalada nabadgelyadaada ma illaalin karo,’ ayey yidhaahdeen.

Aniguna waxa aan ku idhi, ‘Dee, adiga ayaa markii hore meel khalad ah geeyey, oo in aad Hargeysa keento ayey ahayd ee maxaa Xamar ku geeyey?’ Markaa Xuseen Cabdi Xallane wuu mahadsan yahay mar haddii Ilaahay dhulkiisii tusay oo uu meeshiisii ku soo noqday, aad iyo aad ayaan ugu mahadnaqayaa.”

"Suuggaanta aniga oo is-leh; ‘Tollow! Maxaa kagu gabyi doonaa?’ illeyn dadkii reer magaal ayey noqdeen, ayaa haddana waxa iminka i dhiirrigelisay dhallinyar yar-yar oo weligood ardaa iyo meel aan is-lahaa way arkeen iyo dhiil’iyo oo haddana ku gabyaya suugaantii iyo dhaqankii ayaan la yaabay. Markaa waxaan filayaa suugaantu waa hibo Ilaahay (SWT) ku abuurtay, laakiin af-soomaaligeenii wuu sii baaba’ayaa oo waa runtooda.

Af-soomaaliga sidii loo bilaabay, kiiyoo meel dhexe maraya ayaa dawladdii Soomaaliya burburtay, ka-bacdi ninba meeshii uu yaqaanay ayuu ula kacay, hadda waxa uu marayaa oo bahalkii lagu budlinayaa oo lagu baabi’iyey Soomaaliya, idaacadihii oo dhan ayey qabteen, VOA-dii ayey qabsadeen, BBC-dii ayey qabsadeen, waxay ku hadlayaanna waad yaabaysaa, xattaa ma garanaysaan naxwe ahaan sida ay u sameynayaan.”

Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa sidoo kale tilmaamay in loo baahan yahay in dib loo soo nooleeyo Afsoomaaliga, waxaannu yidhi; "Markaa in la soo celiyo oo aynu sameyno, oo ninkaas Ismaaciil Cumar Geelle (Madaxweynaha Jabuuti) ayaa aad iyo aad u illaaliya suugaanta, waxa aynu jecelnahay in la sameeyo Waaxda Af-soomaaliga ee Suuggaanta oo jaamacadaha laga sameeyo, oo la saxo si aanay dhallinyarada suggaanta tirisa loo baro naxwaha Afsoomaaliga, taas ayaan ku talin lahaa annigu.”

"Wanaagan iyo isku-xidhkan uu wado Xallane-na (qoraaga Buugga la soo bandhigay), waxa aynu u baahannahay in aynu fidino oo Killalka Shanaad ee Itoobiya iyo Somaliland way isku xidhnaan jireene, inaynu rixinkii soo celino, oo aynu waxtarkii soo celino, oo tolnimadii soo celino, oo walaalnimadii soo celino, oo biriijkii aynu dhisno ayaannu doonaynaa Insha Allaahu Tacaalaa. Arrintaana aynu ku darno, arrintii uu markii hore u yimi Janaraal Bille Rafle iyo arrinta iminka uu wado Xuseen-ba, waxa weyn ayey ka taraysaa xidhiidhka innaga iyo Kililka Shanaad inoo dhexeeya ha laga shaqeeyo,” ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.

Waxa kaloo uu halkaas ka sheegay inuu iibsanayo 50 buug oo ka mid ah Buugga Cibaaro ee diwaanka maansada oo uu diyaariyey Mr. Xuseen Cabdi Xallane oo ah qoraa iyo abwaan lagu tixgeliyo murtida Afka Soomaaliga.