Turkiga, Ruushka Iyo Iiran Oo Ka Shiraya Xaaladda Suuriya, Maxaa Soo Kordhay?

0
Wednesday 4th April 2018 08:59:25 in Wararka by Suuqa Hoose
  • Visits: 167
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Turkiga, Ruushka Iyo Iiran Oo Ka Shiraya Xaaladda Suuriya, Maxaa Soo Kordhay?

    Hargeysa(HLN);-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

data-ad-slot="6963869434">
Hargeysa(HLN);-

Xilli dowladaha Reer Galbeedka ay lumiyeen saamaynta ay ku lahaayeen Suuriya, xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobayna ay isku mari waayeen xaaladda dalkaasi, ayaa Turkiga, Ruushka iyo Iran waxa ay buuxiyeen kaalinta bannaan.

Hogaamiyayaasha saddexdaasi dal ayaa maanta ku kulmi doona caasimadda Ankara si ay uga wadahadlaan iskaashiga ay ka yeelan karaan nabad kusoo dabaalidda Suuriya inkastoo ay kala duwan yihiin ujeedooyinka ay ka leeyihiin dalkaasi.

Turkiga ayaa diiddaan xukuumadda Suuriya ee ay taageeraan Ruushka iyo Iran, waxaana uu gacan siiyaa jabhado ay la dagaallamaan xukuumadaha Tehran iyo Moscow.

Balse Turkiga ayaa hadda mudnaanta siinaya dagaalka uu kula jiro Kurdiyiinta Suuriya waxaana uu garab uga baahan yahay Ruushka iyo Iran si uu u jebiyo kooxahaasi.

Arimaha kale ee ay isku hayaan dalalkan ayaa waxaa ka mid ah gobolka Idlib oo uu Turkiga taageero mucaaradka halkaa ka dagaallama, balse ay suuragal tahay in dhawaan Ruushka iyo xukuumadda Bashar Al-Asad ay duqeymo ka geystaan gobolkaasi.

Quwadaha caalamka ayaa kala qeybiyay Suuriya oo uu hadda ka socdo dagaal dhinacya badan leh. Turkiga, Ruushka iyo Iran-na waxa ay arkaan fursad ay ujeedooyinkooda kaga gaari karaan dalkaasi burburay.