
Beesha Arab Oo Wada Qaban Qaabada Shir Ballaadhan Oo Ay Kaga Soo Horjeedaan Saamiga Xukuumadda Muuse Biixi Ay Ka Haleen
Siyaasiyiin ka soo jeeda Beelaha Arab oo ka mid ahaa hormoodkii Dhaliyey Guushii Madaxweyne Muuse Biixi ayaa Cabasho Ay Ka Tirsanayaan Xukumada Cusub Ee Madaxweyne Muuse Biixi U Gudbiyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin.
Siyaasiyiintan oo uu Hormuud u ahaa Xoghayaha guud ee Xisbiga Kulmiye Md Xasan Siciid AyaaWasiir Maxamed Kaahin Usheegay Inaay Ka Beel Ahaan Ku Qanacsanayn Saamiga Uu Xukuumadiisa Ka Siiyey Madaxweyne Muuse Biixi Beesha Arab sidaas hadii Uu ku sii wadana ay Ka Tashandoonan Xukumada Iyo Xisbiga Kulmiye.
Xogaha Aanu Arintani Ka Helayno Ayaa Intaasi Ku Daraaya Inuu Wasiir Maxamed Kaahin Siyaasiyiinta Cabashada Ula Yimid U balanqaaday inuu arrintan Ugudbin Doono Madaweynaha Islamarkaasina Ay Ka War Sugaan.
Geesta kale salaadinta iyo cuqaasha dhammaan ardaayadda Beealaha Arab ayaa iyaguna arrintaasi shir weyn ka yeeshay iyagoo la sheegayo in ay dhawaan ku dhawaaqi doonan shir ay ku yeelan doona magaaladda Baligubadle .
Tallaabada ay qaadeen siyaasiyiintan la soo halgamay Madaxweyne Biixi cod badana uga soo hooyay degaankooda ayaa ka marag furaysa hadalkii caanka noqday ee madaxweyne Biixi bilawgiiba sheegay Ee Ahaa in ay dad badan fartooda eersan doonan.