Walaac Xooggan Oo Laga Qabo Bed-Qabka Caafimaad Ee Biyaha Moorsan Iyo Sida Aanay Xukuumaddu Waxba Ugala Socon + Xanuunada Halista Ah Ee Ay Keeni Karaan

0
Tuesday 3rd April 2018 09:43:32 in Wararka by Suuqa Hoose
  • Visits: 151
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Walaac Xooggan Oo Laga Qabo Bed-Qabka Caafimaad Ee Biyaha Moorsan Iyo Sida Aanay Xukuumaddu Waxba Ugala Socon + Xanuunada Halista Ah Ee Ay Keeni Karaan

    Hargeysa(HLN);-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

data-ad-slot="6963869434">
Hargeysa(HLN);- Dhawaan ayay ahayd markii Daraasad cusub oo dhawaan soo baxday oo uu sameeyay urur aan macaash-doon ahayn ayaa lagu ogaaday in halkii caagad ee biyo ah ay ku jiraan kumannaan jeermiska caagadaha ah ee loo yaqaanno "Micropalastics”.
Daraasaddan oo uu sameeyay Orbmedia oo kaashanaya jaamacadda dowladda Mareykanka ee New York, ayaa waxaa lagu baadhay 259-caagadood oo plastic ah oo ay soo saareen 11-shirkadood oo caalami ah oo ka dhisan 9-dal oo daafaha kala duwan ee dunida ku kala yaalla.
Natiijada kasoo baxday waxay noqotay in caagadahaa laga helay gudahadooda Microplastics, Nylon iyo polymers kuwaasi oo intuba dhibaato ku ah nolosha aadanaha iyada oo ay arrin naxdin leh tahay sida aanay xukuumaddeeni innagana uga qar qabin bed-qabka biyaha ay soo saaraan shirkadaha dalka ka hawl galaa kuwaasi oo aan la marin baadhitaano iyo la socod toona wakhti xaaladaha kansarka ahi ku soo badanayo dalkeena.

Warbixinta laga diyaariyey Daraasaddani waxa ya sheegaysaa oo kale in Microplastics laga helay ay u dhigmaan 0.1mm, waxaana lagu helay iyadoo la adeegsanayo shucaaca Infrared-ka loo yaqaanno. Waxaa kale oo laga helay biyahaasi la baadhay jeermis aad u yaryar.
Website-ka Homecare ee dalka Ingiriiska laga leeyahay ayaa Khamiistii toddobaadkii hore qoray in daraasaddani ay daahrogtay in 90% caagadaha la baadhay ay ahaayeen kuwo wasakhaysan oo walxo Microplastics ahi ay ka buuxaan, iyagoo tilmaamay in ururka Caafimaadka Adduunka uu ku dhawaaqay inuu dib u eegayo khatarta caafimaad ee Microplastics-kaasi caagadahu ay ku yeelan karaan nolosha aadanaha.
Jariidada The Guardian ayaa dhankeeda sheegtay in dadka cilmibaadhayaasha ah ay heleen plastic ku laba laabma kan biyaha tuubbooyinka ee laga dayriyo.
Jariidada ayaa tooshka ku ifisay in wadamada cilmibaadhistani ay sida gaarka ah biyaha caagadahooda u baadhay ay ka mid yihiin; US, China, Brazil, India, Indonesia, Mexico, Lebanon, Kenya iyo Thailand.
Dhinaca Somaliland haddii aan soo qaadano waxa si weyn sannadihii ugu dambeeyey ugu soo kordhaya shirkadaha ka ganacsada biyaha la farsameeyo ee caagadaha lagu shubo kuwaasi oo aan tiro lahayn lana ogayn cid baadha faya-dhawrka iyo bedka biyahaasi ay soo saaraan iyada oo aanay xukuumadihii kala dambeeyey ee dalkani marnaba ku guulaysan in ay hawl galiyaan nidaam lagu ogaanayo bed qabka biyaha, cabitaanada kale iyo cuntooyinkaba waxaanay dhibaatada muuqataa ka soo if baxaysaa caafimaadka dadkeena iyada oo ay innagu soo bateen xanuuno aynaan hore u aqoon oo uu ugu badan yahay kansarka noocyadiisa kala duwani.