[WAR CUSUB]:-Maxaa Maanta Ka Cusub Jiidda Hore Ee Ay Isku Horfadhiyaan Ciidanka Puntland iyo Somaliland.

0
Saturday 31st March 2018 12:00:59 in Wararka by Xarunta Guud
  • Visits: 574
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [WAR CUSUB]:-Maxaa Maanta Ka Cusub Jiidda Hore Ee Ay Isku Horfadhiyaan Ciidanka Puntland iyo Somaliland.

    [WAR CUSUB]:-Maxaa Maanta Ka Cusub Jiidda Hore Ee Ay Isku Horfadhiyaan Ciidanka Puntland iyo Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

data-ad-slot="6963869434">
[WAR CUSUB]:-Maxaa Maanta Ka Cusub Jiidda Hore Ee Ay Isku Horfadhiyaan Ciidanka Puntland iyo Somaliland.



Wararka aanu maanta ka helayno deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya inaysan waxba iska bedelin xiisaddii u dhexaysay ciidanka difaaca Puntland iyo Soomaaliland oo muddo ku dhow saddex bilood isku horfadhiya deegaankaasi.

Qaar kamid ah bulshada kunool deegaankaasi oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in ciidanka labada dhinac ay weli ku sugan yihiin fariisimadoodii uusanna jirin wax dagaal ah walow ay marwalba ka cabsi qabaan dagaal soo cusboonaada.



Labo maalmood kahor ciidanka Soomaaliland ayaa waxa ay rasaas ku soo tuureen dhanka Puntland, waxaana marba marka ka dambaysa sii cuslaanaysa xaaladda deegaanka iyadoona shacabka Puntland ay dowladda ku cadaadinayaan dagaal ay lagasho Soomaaliland.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa horay u sheegay in dowladda Puntland ay ka go’antahay difaaca shacabkeeda iyo xuduudeheeda, wuxuuse tilmaamay in dowladdu aysan ku shaqayn wararka baraha bulshada lagu faafiyo.