Maleeshiyada Al-shabaab Oo War Cad Ka Soo Saartay Xuduudka Kenya Boobka Ku Hayo Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

0
Tuesday 27th March 2018 12:17:10 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 109
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maleeshiyada Al-shabaab Oo War Cad Ka Soo Saartay Xuduudka Kenya Boobka Ku Hayo Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

    Maleeshiyada Al-shabaab Oo War Cad Ka Soo Saartay Xuduudka Kenya Boobka Ku Hayo Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maleeshiyada Al-shabaab Oo War Cad Ka Soo Saartay Xuduudka Kenya Boobka Ku Hayo Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay


Muqdisho (Haleel)-Maleeshiyada al-Shabaab ayaa ka hadashay duulaanka ay dowlada Kenya kusoo qaaday degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo.

Maleeshiyada ayaa sheegtay inay ka jawaab celin doonaan talaabada ay Kenya ugu soo xad gudbeyso degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo.

Afhayeenka Maleeshiyada Sheekh Cali Maxamuud Raage ‘’Sheekh Cali Dheere’’ oo la hadlay Idaacadda Andalus oo ku hadasha afka Shabaab, ayaa sheegay in al-Shabaab ay difaaceyso xadka.




Cali Dheere, wuxuu sheegay in aysan aheyn markii ugu horeysay oo Kenya ay qabsato dhul Soomaaliyeed,hase ahaatee ay al-Shabaabna qabsan doonaan Kenya, si uu usoo degdego xalka Somalia.

Cali Dheere, wuxuuna tilmaamay in Kenya ay ku soo duushay qeybo ka mid ah dhulka Soomaaliya, isaga oo sheegay in falkan uu yahay daan daansi qaawan, balse ay al-Shabaab isaga filantahay.

Cali Dheere, waxa uu sidoo kale eedeyn dusha uga tuuray Maamulka Jubbaland oo raali ku ah in Kenya ay xad gudub ku soo sameyso dhulka Soomaaliyeed,balse wuxuu sheegay in aysan u suuragali doonin in Kenya ay heysato taako dhul Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Sheekh Cali Dheere ayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Beled Xaawo ku ammaanay qaabka ay uga dhiidhinayaan xad gudubka Kenya ay ku soo sameysay Soomaaliya, shacabka qaar ayaa sheegay in guryahooda la dumiyay.

Haddalka Cali Dheere, ayaa kusoo beegmaaya xili dowlada Somalia ay arrintaan mas’uuliyada ka saran ka jiifsatay.