Qaramada Midoobay Oo Sheegtay In Caasimadaha Somaliland Horumareen, Balse Ay Bulshada Danyarta Ah Xoolihii Ka Baaba'een

0
Thursday 22nd February 2018 13:07:42 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 226
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaramada Midoobay Oo Sheegtay In Caasimadaha Somaliland Horumareen, Balse Ay Bulshada Danyarta Ah Xoolihii Ka Baaba'een

    Qaramada Midoobay Oo Sheegtay In Caasimadaha Somaliland Horumareen, Balse Ay Bulshada Danyarta Ah Xoolihii Ka Baaba'een

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

data-ad-slot="6963869434">
Qaramada Midoobay Oo Sheegtay In Caasimadaha Somaliland Horumareen, Balse Ay Bulshada Danyarta Ah Xoolihii Ka Baaba'een




Hargeysa(Haleel)-Qaramada Midoobay ayaa ka digtay barakac fara badan oo ka soo muuqda Somaliland, kaas oo ah in caasimadaha Somaliland ay korayaan laakiin haddana ay jiraan dad tiro badan oo danyar ah oo ay ka baaba’een xoolahoodii iyo hab nololeedkoodii.


Madaxa arrimaha bani-aadmnimimada ee Qaramada Midoobay Mr. Peter de Clercq. oo dhawaan safar ku yimid magaalada Hargeysa ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in sare loo qaado awoodda soo kabsashada bulshooyinka si ay uga adkaadaan saameynta abaaraha soo noqnoqda, sida macluusha. Warsaxaafadeed ay Qaramada Midoobay soo saartay oo lagaga hadlay kulamadii uu ergaygani la yeeshay madaxda Somaliland iyo waxyaabaha lagaga wada hadlay ayaa lagu yidhi "Kaddib sanad oo aan si wadajir ah dadaal badan u sameynay, anaga oo ka hortagnay macluul, ma dooneyno in aan kaliya nidhaahno dib ayaan u dhignay, waxa aan dooneynaa in aan nidhaahno si guul ah ayaan ula dagaalannay ugana adkaannay macluul,” ayuu yidhi Isku-Duwaha Qaramada Midoobay ee Arrimaha Bani’aaddinimada u qaabilsan Peter de Clercq. oo intaas raaciyay "Taageeridda dadka ku sugan xaalado degdeg ah isla markana la dhiso awoodda dib u soo kabsashada,” ayuu yidhi, "waxaa ay gacan ka geysan doonaan in macluusha xiga laga hortago, oo aan kaliya dib loo dhigin.”




Mas’uulka Qaramada Midoobay ayaa hadalkan ka jeediyay magaalada Hargeysa ee caasimadda ‘Somaliland,’ halkaas oo uu la kulmay madax heer sare iyo wakiillada bulshada rayidka. Mowduuca muhiimka ah ee uu ka duulayay ayaa waxaa uu ahaa in iyada oo sanadkii 2017-kii laga hortagay in ay macluul ka dhacdo Geeska Afrika, taasi oo lagu aaneynayo dadaallada Soomaalida iyo bah-wadaagta caalamiga ah, waxaa weli taagan halista loogu jiro macluul la xidhiidha abaaraha, iyada oo malaayiin qof oo ku nool gobolka ay weli baahi weyn u qabaan gargaar bani’aaddinimo oo nolol-badbaadin ah. "Dadaallada bani’aaddinimo waa arrinta aan siineyno mudnaanta koowaad,” ayuu yidhi. "Dabcan, waa arrinta koowaad ee aan ku hayno maskaxdeenna.”

Natiijooyinka ka soo baxay qiimeynta baahiyada ee saameynta abaarta ee dhowaan la sameeyay, ayaa muujinaya in sugnaansho la’aanta cunnada iyo tirada badan oo dadka oo saldhig ka dhiganaya magaalooyinka ay yihiin qaar ka mid ah arrimaha horseeday xaalad bani’aaddinimo oo degdeg ah.

"Waxaa noo muuqdaa barakac fara badan,” ayuu yidhi mas’uulka Qaramada Midoobay. "Waxaan arkeeynaa caasimadaha iyo magaalooyinka ‘Somaliland’ oo horumar sameynaya, iyo tiro badan oo dad danyar ah oo ay ka baaba’een xoolahooda iyo hab-nololeedkooda oo imanaya magaalooyinka ayaga oo rajeynaya in ay helaan taageerro iyo kaalmo – dadkaan intooda badan dib uma laabanayaan.”

Isku-Duwaha Arrimaha Bani’aaddinimada oo sidoo kale ah Ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Isku-Duwaha Howlaha Qaramada Midoobay ayaa kulammadiisa ku shaaciyay in dadaallada gargaarka degdegga iyo dhismaha awoodda dib u soo kabsashada ee muddada dheer aanay is diideynin, balse ay is waafaqsan yihiin, loogana gol leeyahay in laga adkaado abaaraha iyo macluusha soo noqnoqda.



Mudane de Clercq ayaa intaasi raaciyay in muddo toban ilaa iyo 20 sano kaddib, ay ku dhowaad boqolkiba 80 bulshada ka mid ah ay ku noolaan doonaan magaalooyinka iyo caasimadaha, isla markana aan lagu tiirsanaan doonin xoolaha nool iyo hab-nololeedka reer-guuraaga, asaga oo xusay in, "qoshaheenna, waa in aan ku darno xaqiiqadan.”

Mas’uulka Qaramada Midoobay ayaa xusay waxa ay mas’uuliyiinta ‘Somaliland’ u sheegeen ku dhowaad labo sano ka hor: "Waxaa soo socotaa abaar, xaaladdana aad ayay u darnaan doontaa, balse waxaan dooneynaa arrintan in aan soo afjarno, ma dooneyno in mar waliba dhowr sano kaddib aan u baaqno gargaar. Waxa aan rabnaa dalka in uu soo saarto raashiin, in uu soo saaro hantidiisa, si aanan ku tiirsanaan kaalmo bannaanka nooga timid.”

Intii uu ku jiray booqashadiisa, Mudane de Clerq ayaa la kulmay dad kala duwan oo magac ku leh ‘Somaliland’, oo ay ku jiraan Madaxweynaha, Madaxweyne ku Xigeenka, Wasiirka Arrimaha Dibadda, iyo sidoo kale wakiillada bulshada rayidka. Arrimaha ay ka wada-hadleen ayaa waxaa ka mid ah dadaallada dhismaha awoodda dib u soo kabsashada kuwaas oo la waafajin karo qorshaha horumarinta ee ‘Somaliland,’ iyada oo laga faa’iideysanaya wada-shaqeynta ka dhaxeysa Dowladda, Hay’adaha iyo barnaamijyada Qaramada Midoobay iyo bah-wadaagta caalamiga ah.



GEESKA