Ururka Dhalinyarada Puntland Democratic Party oo ku baaqay in la joojiyo Colaadda Gaalkacyo

Ururka Dhalinyarada Puntland Democratic Party “PDP” ayaa ugu  baaqay Puntland iyo Gal-mudug in lajoojiyo Colaadda ka aloosan gobolka Mudug, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo. .

Ugu horeyn Ururku wuxuu ka tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii  dadkii ku geeriyoodey dagaalkii ka dhacay Gaalkacyo Jimcadii aynu soo dhaafnay ,wuxuuna  Kuwa dhaawaca ah alle uga baryey inuu  caafiyo .

Waxaan ugu baqaynaa walaalaha ku dagaalamay gobolka Mudug gaar ahaan Gaalkacyo inay joojiyaan colaadda si shuruud la’aan ah.

Waxaan codsaneynaa in hoggaamiyaasha, Odoyaasha dhaqanka, Waxgaradka,Culumaa’udiinka Dhalinyarada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada in ay kaalin weyn ka qaataan sidii loo joojin lahaa dagaalka iyo dhiiga mar kale daata.

Ururku wuxuu mar kale waxgaradka iyo odoyaasha labada dhinac ugu baaqayaa  in ay waxkastaba u huraan joojinta colaad mar kale soo noqota, islamarkaana la xaliyo tabasho kasta oo labada dhinac kala tirsanayaan..

Sidoo Kale Waxan ku dhiiri-galinaynaa labada dhinacba inay dhexda u xirtaan sidii lagu gaari lahaa nabad waarta oo u dhaxeysa dadka walaalaha ah ee ku nool Magaalada Gaalkacyo.

Waxaan Kaloo dhinacyada dagaalamay xasuusinaynaa in dagaal uusan faa’ido lahayn,  islamarkaana dagaalku yahay mid dad ehel ah ay ku waxyeeloobayaan. (Dagaal Wiil baa ku dhintee Wiilkuma Dhasho).

Ugu danbeyntii waxaan qof walba oo nabadda jecel ugu baaqeynaa inay ka qeyb ka qaataan joojinta Colaadda iyo dagaal ka dhaca Gaalkacyo,  Waana in Puntland iyo Gal-mudug dib u heshiisiin dhab ah ka gaaraan  dagaalka iyo khilaafyada So Noqnoqday.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *