Odayaasha iyo Cuqaasha beesha Sacad Gaar ahaan Beesha Odow oo shaaciyay in uu fashilmey shirkoodii ay kusoo gudbin lahaayeen Ergada Jufo walba u matalaysa Doorashada Xildhibaanada Somalia.

Odayaasha iyo Cuqaasha beesha Sacad Gaar ahaan Beesha Odow ayaa   sheegay in uu fashilmey shir maalmahan Galkacyo uga socdey wax garadka Beesha oo la doonayey in ay beeshu ku soo gudbiso liiska Ergada Jufo walba u matalaysa Doorashada Xildhibaanada Somalia.

 

Fashilka soo xulista Ergada ayaa beeshu ku eedaysay in uu ka dambeeyo Garaad  Aaadan Qoorwayne oo ah xubinta  beesha ugu jirta 130ka oday ee soo xulaya Baarlamaanka  soomalia oo dhawaan la filayo in Doorashadoodu ka dhacdo Caasimadaha Maamul Goboleedyada dalka.

 

Odayaasha waxey  kaloo ku Eeedeeyen Garaad Aadan in uu diidey Liiska Ergada Jufooyinka qaar  Gaar ahaan Jufooyinka  Reer Maxamed iyo Reer Cabdi oo isagu uu qortey Liis Jeebkiisa ah oo aysan la socon Nabadoonada Jufooyinkaas.

 

Sidoo kale waxay  Odayaashu sheegeen in si cad uu Garaad  Aadan ugu Olallaynayo mid ka mid ah xildhibaanada u tartamaya Kuraasta Baarlamaanka  oo uu Adeer u yahey, sidaa darteedna uu  uu u qortey Ergo uu suuqa ka qortey  si ay ugu codeeyaan  Musharaxa uu wato.

Odayaasha ayaa sheegay in garaad aadan uu maanta cadaado la tegay liis been abuur abuur ah oo aanay waxba kajirin beeshana khusayn .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *