MAXAA LAGA DHAXLAY BUR-BURKII SOOMAALIYA?

Bur-burkii qaranka soomaaliya waxaa uu saameyn weyn u geystay malaayiin ka mid ah shabacka soomaaliyeed. Muwaadiniin soomaaaliyeed ayaa waxay magangelyo doon ku tageen wadamada deriska la ah soomaaliya sida Kenya, Itoobiya, Yaman, iyo Djabouti.   Xeryaha qaxootiga ugu weyn dalka Kenya waxaa ku xeraysan qaxooti soomaaliyeed iyo qaxooti ka kala yimi wadamo badan oo  African ah.

Dalka waxaa ku soo haray dadka intiisa tabarta darnayd ama aan haysan dhaqaale ay kaga baxsadaan dhibaaatada ka socota dalkooda hooyo. Dadka intii ku hartay dalka gudihiisa ayaa noqday kuwo soo maray xaalado kala duwan oo soo foodsaaray nolosha dadka intii uu socday bur-burkii soomaaliya.

Dhibaatada laga dhaxlay burka waxaa ka mid ah burcad badeed, maamulo tiro beel ah iyo  in tiro dhalin yaro, haween, carruur iyo odayaal ay ku naf waayeen aafooyinkii laga dhaxlay bur burka soomaaliya.  Waayeelka, haweenka iyo carruurta ayaa noqday hadd iyo gooraale dadka ay sida tooska ah ay u saamaysay colaada sokayye.

Tusaale ahaan wax yaalaha sida tooska ah looga dhaxlay bur-burkii qaranka somaliya waxaa ka mid ah caafimaad darro, dhaqaale xummo, gaajo, fakhri iyo  wax barasho la’aan, iwm.

Dhamaan waxyaalahaas oo dhammi waxay la soo darseed dadka soomaalida ah ee waayey qarankoodii, shacabka soomaaliyeed waxaa ay noqdeen kuwo la nool duruufo aad u kala duwan oo la soo gudboonay intii ay la noolaayeen qaran la’aanta, qaar badan oo mid ah shacabka soomaaliyeed oo intoo badan  dhasheen intii dalku bur burka ahaa Ayaan fahansnayn macnaha uu leeyahay qaran soomaaliyeed.

Dhalin yarada soomaaliyeed ayaa ahayd intii dalku bur burka ku jiray hubka kali ah ee loo adeegsado goobaha colaada iyo meelaah ay ka jiraan dagaalada faraha looga gubtay. Tusaale ururada argagixida ah ee ka jira koonfurta iyo bartamaha soomaaliya waxay shaqaalaysiiyaan dhalin yaro aad u da’a yar oo ay da’adoodu ka hoosayso 18-ka sanno. Markhaanti waxaa kuugu fillan dagaalkii uu ururka Al-shabaab ee ka dagalama somaliya qaybo ka mid ah uu la galay maamulka PUNTLAND ee ka taliya waqooyi barri soomaaliya.

Markii qaranku bur-buray waxaa dalka qabsaday jamhado wata magacyo kala duwan wallow jamahada waliba ay ka talinaysay deegaanaddii ay ka soo jeeday.  Jamhadihii bur buriyey qarankii awooda lahaa  waxaa ka mid ahaa SNM, SSDF, USC iyo qaar kale oo badan. Wax layaabka kugu noqonaysa waxaa ay tahay jamhad walba waxa ay wadataa magac uu ku jiro xarafka “S”, taas macneheedu waxaa weeye jamahad walib waxaa ay  u taagan tahay midayn shacbaka soomaaliyeed  sidaasna uma dhisnayn aniga ogaalkayga, jamhad waliba waxaa hormuud u ahaa qof magac ku leh soomaaliya xilna ka soo qabtay dawladihii kala duwanaa ee dalka soo maray.

Jamhadii dalka ka jiray ma lahayn mabda’a mideynaayey dhamaan jamhadii ka jirey soomaaliya waxaa mid walba ku jirtey wadanka idinku qabsada maahayn sida jamhadihii ka dhisnaa dalka Itoobiya.

Muddo  yar ka dib waxaa soo shaac baxay urur diimeed dadka ugu yeeraayey in uu dalka shareecada islaamka ku xukumidoono, shacabka soomaaliyeed  ayaa  baahi u qabay  helida  hogaan ku haga jidka toosan waxaase Urur diimeedkii AL ITIXAAD AL ISLAAMI uu iska caabin xoog leh kala kulmay dagaal oogeyaashii soomaaliya iyo wadamada deriska la ah Somaliya oo aan iyagu marnaba aan ogolayn dawlad soomaaliyeed oo ka dhisanta geeska Africada madow.

Sannaddo ka dib waxaa dalka ka  dhismay maamul goboleedyo,  waxaa dalka ka dhismay laabtankii sano ee u damaysay maamulo wata astaamo kala duwa iyo magacyo kala duwan. Waxaa maamuladaa ka mid ah Somaliland oo iyadu sheegtay in ay soomaaliya ka go’oday, Puntland, Jubbaland, Koonfur galbeed, Galmudug iyo kuwo aan la dhamaystirin.

Burcad badeed soomaali ah ayaa laga dhaxlay bur burkii soomaaliya, burcad badeedu waxay halis ku noqdeen af duubashada markiibta isaga gooshta biyaha soomaaliya iyo kuwaa caalamiga. Sida aan qabo burcad badeeda soomaaalida ah maahan kuwo ku khaldan af duubka ay kula kacayaan markiibta sida sharci darada ah uga kalluumaysanaya biyaha soomaaliya, waxaan u arkaa burcad badeedka soomaaliya kuwa ilaashada baddooda.

Gabagabdii, dalka soomaaliya waxaa uu burburay 1991kii burburkii soomaaliya waxa laga dhaxlay burcad badeed, Urur diimeedyo, qab qable yaal iyo jamhado.

Qalinkii: MOHAMED AHMED MOHAMED ( GUREY)

Email: guraydh2011@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *