Gudoomiyaha gobalka nugaal oo baaq u jeediyay shacabka puntland.

GAROOWE – Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Maxamed (Faraweyne) ayaa sheegay in shacabka Puntland looga baahan yahay iney ka fiirsadaan cida Xildhibaan uga noqoneysa dowladda Federaalka.

Cumar Cabdullaahi Maxamed (Faraweyne) ayaa sheegay in magaalada Garoowe ku sugan yihiin kuwii dadka reer Puntland u dirsadeen Muqdisho oo aan laga faa’idin wax aan ka ahayn lugooyo kana shaqeeyey burburka Puntland.

Maanta ma ahan waagii Xamar kursiga laga qaadan jiray,cid walba oo Puntland dhibaato u geysatay Indhaha ayaa lagu hayaa waana lala xisaabtamayaa,waana soo bandhigeynaa nin walba wixii uu afkiisa ka yiri oo duuban””ayuu yirI fb_img_1474821507157cumar Cabdullaahi Faraweyne

Kuwii horistaagay in ay Puntland shidaalkeeda lasoo baxdo,kuwii shahaadada Waxbarashada Puntland odiiday,kuwii Dastuurka wax ka badalay oo kasoo jeeday dhulka Puntland maanta Garoowe ayey nala joogaan iyagoo soo doontay in ay mar kale na matalaan””ayuu yiri

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *