Faalo: Ma Qurux badana dib u dhac ku yimaada jadwalka doorashada!

 

Dib u dhaca ku yimid Jadwalka Doorashada Soomaaliya waa arin Hore loo saadaaliyey  taas oo wal  wal ka qabeen Aqoonyahano iyo siyaasiin badan oo Soomaaliyeed

Maanta ayay ahayd madasha waqtiga la qorsheyay ee 25-09-2016-ka.Tan  ayaa  waxa ay ka dhigan tahay in  in markii ugu horeysay  dib u dhac uu ku yimaado doorashada dadban ee dalka waxa ayna abuuraysaa wal wal kale oo laga qaba arimaha doorashooyinka.

Ma ah  wax lala yaabo arintan  dib u dhaca doorashadda  waxa hore  ayay Madaxda Soomaalidu ee Madasha Qaran  Qaar ka mida ah   ay diidanayeey Dhismaha Aqalka sare 25-ka September oo maanta ku beegan isla markaana ay soo magacaabi lahayeen  Madaxda dawlad gobaleedyada dalka. Muuqaalkan

waxay astaan u tahay Afarta bilood ee sanadaka 2016-ka ka  dhiman in aa lagu Guulaysan karin qabashada Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo doorashada Madaxweynaha oo dhici doonta 25 October iyo 30 October, Wali waxaa muuqda in uu jiro khilaaf siyaasadeed oo salka ku haya  qaabka ay u dhacayaan Doorashooyinka Golayaasha sare iyo kuwa hoose ama kan madaxweynaha.

Hubaal la’aan  waxa aan aamisanahay  in xalka ama  furaha xalinta khilaafka Doorashada 2016 uu yahay In wax laga badalo rayiga oranaya in dumarku helaan xildhibaano badan ama  qoondada haweenka  matalaad dhan 30% ku yeeshaan kuraasta Golayaasha baarlaanka soo socda.

Figradan waa mid u muuqata  in  lagu  dagdagey waqtigan  ay wali socdaan colaadaha dhex yaala Bulshada Soomaaliyeed way adag Tahay in Tiro Badan oo Dumar ah  ay  ka mid noqdaan Golayaasha sare ama kuwa hoose

Arinkan  waxa  diidan  Hogaanadda  dhaqanka iyo siyaasada  waxana  waqtiyo badan  Qabaa’ilada hogaaminayey Raga soomaalida  taas oo laga soo qaatay dhaqanka islamka ku dhisan.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Mr Michael Keating ayaa Dhawr jeer uu ka Hadlay wabaahinta ku celceliyey in QM ay ka go’an tahay sidii haweenka gacan looga siin lahaa in ay saameyn ku yeeshaan siyaasadda, soomaaliya.

Mr Michael wuxuu  ballanqaaday in   madaxda dhaqanka ee soomaalida kala hadli doono baahida loo qabo in haweenka lagu daro Golayaasha Baarlamaanka, waxana  Hogaanka DHaqanka  Soomaaliyeed ay  u  arkaan   in  tani ay  tahay  mid lagu bur burinayo dhaqanka Islamka, balse dalalka reer Galbeedka ee deeqda Siiya dowlada Federaalka ayaa ku qasbaya in la hrgaliyo in Dumarku helaan intaas oo xildhibaan.

Dhibaatada kaled  ee inay doorashadu daahdo waxaa ugu wacan Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud oo u xilligan waqtiga uu dhamaaday ayaa muujiyay sida uu u doonayo mar kale inuu ku Guulaysto madaxweynaha Dawlada Faderaalka soomaaliya wuxuu dhawr jeer sheegay inuu rajo wanagsan ka qabo mar kale inuu ku soo baxo doorashada dalka ka dhacaysa dhammadka sanadk.

Hadalka  Madaxwayne   Xasan Sheekh sheegay ayaa waxay keeni kartaa in musharrixinta ka qayb-galaysa doorashada dhawaan dhacaysa qaarkood ay ugu baaqayaan in shacabka Soomaaliyeed sameeyaan kacdoon looga hortagayo In madaxweyne Xasan Sheekh inuu mar kale xilkan ku soo noqdo.

Figradaha   is diidan waxay dhibaato ku yihiin in la helo jawi degan oo Doorasho ku dhici karto Markaa Waxaan hubaa in dad badan oo daacad ahi ku jiraan musharaxiinta u Tartamaya xilalka kala gedisan ee Doorashooyinka 2016 .

Lakiin dhaqanka Doorashooyinka Qaarada afrika boqolkiiba 90 waxaa wadanka badbaadinkara dowlada talada haysa, waana inay dowladu u diyaar garowdaa in laga helikaro kana waantowda  wax kasta oo keeni kara gacan toogaalaysi,markay arkaan in laga helayo codadka, waana inay wax ku qaataan Doorashadii wanaag sanayd ee dhacdey 2012 iyo Sidii Quruxda Badneyd madaxweyne Shariif Sheekh Axmed u aqbalay in laga Guulaytay.

Qalinkii Maxamed Maxamuud Nuur Caalim

Falanqeeye arimaha Siyaasadda Soomaaliya

caalim68@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *