Iska horimaad ka dhacay magaalada Jowhar.

Shaqaaqo gacan ka hadal ah oo khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa habeenkii xalay ee Jimacada ah ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta Shabeelada Dhexe.

jowharIska-horimaadka ayaa u dhexeeyey ciidamo kawada tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, kuwaas oo shaki soo kala dhexgalay sida ay warbaahinta u sheegeen maamulka gobolku.

Iska-horimaadka waxaa ku geeriyoodey laba askeri, oo ka kala tirsan ciidanka is-rasaaseeyey, waxaana ku dhaawacmey qaar kale.

Shaqaaqada ka dhacdey Jowhar waxay ku soo beegmeysa iyada oo amniga la adkeeyey kadib shirka lagu muran sanyahay ee maamulka loogu dhisaayo Shabeelada Dhexe iyo Hiiraan uu ka bilowdey, shirkaas waxaa qaadacay waxgaradka Hiiraan oo sheegey in ay samaysanayaan maamul u gaaar ah ee Xasan Shiikh Maxamuud oo waqtigii ka dhacay aanu maamul u dhiseyn.

Shirka aan la isku raacsaneyn ee Jowhar ka socdey ayaa muran kale ka dhashey kadib markii la isku qabsadey qayybinta xildhibaanada iyo ergooyinka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *