Yaa Leh Eeda Burburkii Qarankeenii?

Dalka soomaaliya wuxuu soo maray heerar Dowladeed oo kala gadisan. heer dimuqraadi ah qof iyo cod wax lagu doorto, heer dowlad hanti wadaaga dalka maamusho,uguma horeen 1991 khalkhal ama isbadal inu dalka ka dhaco,waxaa ka horeeyey burburintii Dimuqraadiyada iyo inqilaabki dowlada kacaanka talada dalka kula wareegtay.inqilaabkaas oo dhacay 1969/10/21 waa la yaqaan cidi ka danbaysay iyo meeshu ku danbeeyey.

Hadaba burburki dalka ka dhacay 1991 ilaa hada ma jirto eeda cid iska leh qolaba qolay u aanaysa, waxaan qormadan ku lafa guri doona sidan u arko iyo cida eeda leh si guud.

Waxaa laga jooga mudo dheer burburki Dowladii dhexe wali dowlad saxa oo ka danbaysa dowladi kacaanka oo dalka oo dhan ka talisa ma imaan,25 sano waa rubac qarni bilaa dowlad ah walina lama hayo cida eeda leh burburkaas.

Dhib markuu dhaco waxa ugu horeeya ee la is waydiiyaa waa maxaa sababay dhibkaas,yaase iska leh eeda, dadka inta badan eeda waxay u saariyaan dowladi kacaanka dowladi kacaanka anigu sidan u arko waxay ahayd dowlad wanaagsan oo aanan shacab wanaagsan aan helin.

Rubuc qarnigii dalku burbursanaa waxaa soo baxay jiil aan anigu ka mid ahay oo anaan goobjoog ka ahayn wixii hore ee ay somalidu ahayd’ ‘ku dhashay kuna barbaaray dowlad la aan’ waxku bartay dowlad la aan’,

Jiilkasi waxay ukala qayb qaybsan yihin maamul goboleedyo, ma ahan dad wax xiriir ka dhexeeyo,maysan helin intooda badan dad ku baraarujiya qiimaha wada jirka iyo dhibatada ay leedahay kala qaybsanaantu,jiilkasi wixi horay u dhacay qofkasata sibaa loogu sheegay.

Jilkaasi waxa ay ku barbaareen ayadoo qabiil 4.5 siyaasada lagu qaybsado’jiikaasi waxay ku dhagahooda inta badan maqlayeen hogaamiyayaasha dalka u sareeyey oo is haysta’ intooda badan fahan buuxa kama heestan dowlad nimada waxay tahay .

”Waxaa dhagahayaga ku batay somalidi hore’’ (barisamaadki) somalidu waxay ahaayeen dad wadaniyaal ah oo aan qabiil aqoon,ay ku weyntahay somalinimadu

Dalkoo dhan hal madax wayne ayuu lahaa,goboleesi majirin wakhtigaas,jiilkaas hore waxaa nool madaxdoodii ugu saraysay inti badnayd,waxa nool saraakishoodii in badan,waxaa nool ku xigeenka madaxwaynihii jumhuuriyadi somaliya xiligaas,sidoo kale waxaa nool ganacsatadii xiligaas ugu waa waynayd Su’aasha aan is waydinayo waxay tahay dadki saas u wanaagsana ma dadkalaa dhulka ugu soo baxay oo dowladoodi iyo wadaniyadoodi wanagsanayd ka burburshay, Markaan aan sii gudo galo ujeedada qormadayda waxaan aaminsanahay jiilka hada 45 jir-ku ugu yaryahay inay yihiin dadka somali burburkeedi sabab u ah,umadaha kale Aabayaashood ama jiilba jilku ka horeeyey waxay uga tagaan dhaxal dhankasata leh, ha noqoto ‘aqoon’ ha noqoto ”haykal wadan oo is haysata oo ku dhisan wadan mida oo si siman’’ waxna loo qaybsado sisiman oo aan cidna la dulmin.

Jiilki barisamaadka ayagaa gacmahooda ku bur buriyey dowladi wanaagsaneyd,ayagaa qabiil iyo qabyaalada hada laga cabanayo bilaabay,ayagaa hada dalka ku xukumaya dowlad qabiil kudhisan, ayagaa ah horseedka qabyaalada dalka ayagaa sabab u ah in wali la aysan suurtoobin in dib loo helo dowlad cagaheeda isku taagta oo somali oo dhan raali ka tahay.

Maantana waxaa la guranayaa dhaxalkii jiilki hore laga dhaxlay,ha noqoto ‘’ 4.5” ha noqoto ‘’goboleesi” ha noqoto ‘’isqabqabsi aan dhamaan”waa wado ay jeexeen jiilka uu 45 ugu yaryahay 25-sano, Ugu danbaynti waxaan ubaaqayaa dhalinyarada inay hurdada ka kacaan,fikiro is waydaarsadaan,kana soo baxaan xayndaabka qabiilka ama goboleed ku gadaamay.hadi la helo dhalinyaro nadiifa aqoonyahan ah oo karti leh,hogaaminta dalkana la wareegaan,waxaan hubaa in somaliya isbadal weyn laga arki lahaa.

Waxaan qabaa in la joogo wakhtigii dhalinyarada dhiiga cusub iyo maskaxda nadiifka ah haysata,Waxaa la joogaa wakhtigi jiilki fashilmay ay fursada siin lahayeen dhalinyarada cusub ee hada kacday.

WQ:Dr abdirahaman filibiin
China.
Email: filibiin23@gmail.com87bdab46efc20b24c2dc81eab9fe491a

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *